Xaflad Dhiiragelin

Jaamacada Green Hope oo Xaflad Dhiiragelin ah u qabatey Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda

Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimey islamarkaana ku saabsaneyd Dhiiragelinta ardeyda iyo Macalimiinta Jaamacadda Green Hope ayaa lagu qabatey Xarunta jaamacada ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Masuuliyiin ka socotey bahda Waxbarashada, Macalimiinta, Waalidiinta ardeyda,ardeyda wax ka Barata Jaamacada iyo Marti Sharaf kale.
.
Ugu horeyn waxaa Halkaas ka Hadley Maamulaha Jamaacada Green Hope Mustaf Macalin Cabdulle , waxaa uu sheegey in sababta loo qabtey Xaflada ay tahay in la iska wareysto Xaaladda Waxbarashada iyo Qorsha Jaamacada ee Mustaqbalka waxaa uu intaas sii raaciyey

“Jaamacada Sannadkaan Waxbarashada si heer sare ah ayey ku socotey waxaana Muuqatey isku Duubnaan Macalimiinta iyo ardeyda , waxaa idiin ku bishaareynayaa in Jaamacada oo looga bartey barashada Luqada ingiriiska in la Furey Qayb kale oo jamaacada ah taasoo ah Kulliyada u gaar ah Afafka oo lagu Magacaabo Kuliyadda Luqadaha eeJjaamacada Green Hope”

Xubnihii kale ee ka Hadley Xafladaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Cilmi Tooxow Kana socdey Wasaarada waxbarashada qaybta Akadeemiyada Dhaqanka iyo Hidaha ayaa u mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Xaflada isagoo Hoosta ka Xariiqey in ardeyada ku dadaalaan Waxbarashada islamarkaana wuxuu Jaamacada Maamulkeeda ka dalbadey in ay ardeyga Wanaagsan ay Dhiirageliyaan

Muuse Faarax Xayd oo ka socdey Qaybta Manaahijta ee Wasaarada Waxbarashada ayaa sheegey in ardeyga uu Waxbarashadiisa uga faaiideeyo Bulshada Soomaaliyeed islamrkaana uu Khayraadka Dalkiisa uu Imaansado sidoo kale waxaa uu sheegey in Waxbarashada laga soo marey Dhibaatooyinka isagoo u Mahadceliyey intii u Dhabar adeygtey Dhibaatooyinkaas

Proff Xuseen Tooxow Faarax oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Green Hope oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa Yiri “Waxaa Ceeb in marka la qaadanayo Casharada in ardey uu ka soo hormaro Macalinka sidoo kale waxaa ceeb ah in ardey uu iska maqnaado taasina waxay Dhaaweceysaa Wabarashadiisa”

Ugu dambeyn waxaa iyana xaflada ka Hadley Macalimiinta Cusub ee ka socda Dalka Kenya ee Dhigaya Luqadda Ingiriiska iyo Gudoomiyaha Midowga ardeyda Jaamacada Green Hope Maxamed Cabdi Nuur Geelle iyo Shuceyb Isaaq Maxamed waxayna Dhamaantood ay ka warameen Horumarka ay ku talaabsatey Jaamacadda Green Hope Waqtiyadii ugu dambeysey islamarkana waxaay dhamaantood Baraarujiyeen ardeyda wax ka dhigta Jaamacadda

Written by 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *