185 Ardey oo ka Qalin Jabisey Jaamacadda Green Hope

185 Ardey oo ka Qalin Jabisey Jaamacadda Green Hope Soomaaliya
Jaamacadda Green Hope oo la Mataanoowdey Jaamacadda Kesmonds International University ( KIU America) ee Dalka Cameron
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ku qalin jabinayeen Ardey dhamaysatay Barashada Kuliyadaha kala duwan ee Jaamicadda Green hope ee magaalada Muqdisho oo Tiradooda gaareysa 185 ardey .
Munaasibadda oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Dalladaha Waxbarashada Muqdisho qaarkood, Marti Sharaf, Ardeyda iyo Waaliddiintooda ayaa mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay waxay amaaneen doorka Jaamacadda iyo Isbedelka ay ka samaysey dhinaca dhismaha iyo Tacliinta Ardeyda.
Maamulaha Jaamacada Green Mustaf Macalin Cabdule oo la Gudoonsiiyey Shahaada PHD ee Jaamacadda Kesmonds International University KIU America Dalka Cemeron mar uu halkaas ka jeediyey Warbixin ku saabsan Jaamacada iyo Mustaqbalka waxa u Qorsheysan isagoo halkaas ka sheegey in Jaamacada lagu soo kordhiyey Master Digree ka dib markii ay la Mataanoowdey Jaamacadda Kesmonds International University KIU America ee Dalka Cemerun sidoo kale waxaa uu sheegey in Jaamacadda lagu soo Kordhiyey Kulliyado Cusub oo uu sheegey in wax ka dhigayaan Macalimiin Aqoontooda Sareysa islamarkaana Khibrad u leh sida wax loo baro ardeyda
Masuuliyiintii ka socotey Wasaaradaha kala duwan ayaa u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladaan, sidoo kale waxay sheegey in Wasaaradahooda ay gacan siin doonaan Jaaamacada Green Hope oo ku aadan Hormarinta Waxbarashada Jaamacada iyagoo intaa raaciyey “ Jaamacadda Green Hope waxaa Farxad u ah in Sannadkaan lagu soo Kordhiyey Daraasaadka Sare ka dib markii Jaamacadda Heshiis la gashey Jaamacadda Kesmonds International University KIU America Dalka Kameroon”
Xubnihii kale ee Halkaas ka hadley waxaa ka mid Mr Atanga Desmond Funwie oo Gudoomiyaha Jaamacadda Kesmonds International University (KIU America) , waxaa uu sheegey in aad ugu Faraxsan yahay in uu Soomaaliya yimaado islamarkaana Jaamacadda Green Hope ay si Wadajir ah u Hirgeliyaan Master Digree isagoo u soo jeediyey Ardeyda Soomaaliyeed in ay ka Faaideystaan Fursadaan Khaaliga ah
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Dhiirageliyaha Bahda Waxbarashada waxaa uu sheegey in ardeyda faraha badan ee ka soo qalin jabineysa Jaamacadaha ay qayb ka qaadaneyso Horumarinta dalka isagoo ugu baaqey Macalimiinta iyo Maamulka ay halkaas ka sii wadaan Howsha Baaxada leh ee ay Bulshada u hayaan
Gudoomiyha Jaamacadda Green Hope Prof Xuseen Tooxow oo gaba gabadii Xafladda halkaa Khudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda fog ee Jaamicadda iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Ardeyda iyo Waalidiintooda oo u dhabar adeegay inay wax bartaan Xilli aad u adag
Ugu dambayntii ayaa Ardaydii ka Qalin jabisey waxaa halkaa lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin caddeynaya Maadooyinkii ay barteen ardeydii ka kala qalin jabisey Jaamacadda Green Hope

Written by 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *